Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 12 2008
Maxaa Isku Hadaf ka Dhigay Labada Korneyl ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Xasan Daahir?!
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 12 August 2008

Yusuf iyo AweysMuqdisho,(insidesomalia.org)-Waxa ka dhigan Korneylada kala maanka ah ee haddana u wada shaqeynaya isla hal hadaf qura..!!, waxaa la oran karaa waa WAJHAAHI LI MASHRUUC WAAXID oo micnuhu yahay laba qoshe oo aad u kala duwan isagana horjeeda balse hal arrin u wada shaqeeeya.

 

Baadida Nin Baa Kula Daydayi

 

Daalna Kaa Badane

 

Laakiin aan  doonahayn inaad Heshaa

 

Daayin abidkaaye…

 

 

Markaad dusha sare ka eegto waa dad aad u kala fog fikir ahaan, mabada’ ahaan, muuqaal ahaan iyo weliba qaab ahaanba laakiin haddii si fiican loogu sii dhaba galo, lagana eego dhinacyo kala duwan ma kala dheera ama meel ay wax isula wadaan.!.

 

Qoshaha C/llaahi Yuusuf wuxuu  ahaa weligiis inuu madaxweyne noqdo oo Soomaaliya ka taliyo, dariiq kastana u maro ilaa ugu danbeyntii uu caasimadii Soomaaliya ku yimid Kaare Itoobiyaan, wuxuu jagadaasi siistay qaranimadii, Gobonimadii iyo karaamadii Soomaalida intii ka harsaneyd kadib markii ay ku tunteen kooxihii iyo jabhadihii Beelaha. C/llaahi Yuusuf wuxuu jagada madaxweynenimada Soomaaliya  ku soo biiriyay waxyaabo aan caqliga aqbali karin isagoo dadkii uu madaxweynaha u ahaa uga kalsoonaaday caddowgoodii asaliga ahaa.

  

Sheekh Xasan Daahir wuxuu hormuud ka ahaa xarakaadkii islaamiga ahaa ee Soomaaliya ka hana qaaday muddooyinkii danbe qeybootada jihaadiga ah, wuxuuna hoggaanka u hayay dhammaan dagaaladii Itixaad ka gashay gudaha Soomaaliya Min Gobollada Waqooyi Bari ilaa Gedo intaasina waxaa lagu raadinaayay xukun islaami ah oo shicaar ama halku dhig ahaa iyo dano ciriiri ah oo ururo u gaara, dagaalka kaliya ee aanu hoggaankiisa ka qeb gelin qeybtana ka ahaa Xasan Daahir waa midka maanta socda oo loogala horjeedo Itoobiyaanka intii uu hoggaamin lahaa wuxuu ka fariistay Asmara, halka rag aan sidiisa diinta ugu xeel dheereyn aqoon sida Col. Cumar Xaashi ay gudaha ka hoggaaminayaan dagaalka, kuwana ku shahiideen iyagoo dibad ka yimid, xilligaas isagu wuxuu ku howlahaa isu magacaabidda jagada guddoomiyaha Isbagheysiga dib u xoreynta iyo sheegashada jagadii uu hayay saaxiibkis Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

  

C/llaahi Yuusuf dadkii la soo shaqeeyay waxay ku tilmaameen nin aan mas’uuliyad qaran u qalmin isla markaana ay ku weyn tahay xigtenimada, diblomaasiyaduna ku yar tahay, waxayse ku amaaneen inuusan hunguri weyneyn oo wax waliba u huro damiciisa  siyaasadeed, si kalena haddii loo yiraahdo waa oday ku xeeldheer sida Soomaalidu u dhalatay ee aan isku mashquulin sida dunidu u socoto.

 

Wuxuu dhisay Puntland, wuxuuna jiritaankeeda ka hor mariyay wax waliba ilaa Axdigii Mbaghati lagu qiray, laguna ansixiyay Federaal magac u yaal ah, marka laga reebo Somaliland wuxuu C/llaahi ku guuleystay inuu saameyn ku yeesho dhammaan Gobollada kale ee Koonfurta, isagaa hormuud ka ahaa dhismihii Dowlad Goboleedkii K/Galbeed ee Soomaaliya ka hor intii aysan burburin wax yar kadib dhismaheedii markii ay isku dhaceen kuwii loo dhisay (Shaatigaduud, Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade). Wuxuu wax waliba u huray dhismaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay riyo u bedeleen Isbaheysigii Walaalaha Galgaduud (Barre Hiiraale iy Seeraar), intaasise kuma hakane wuxuu heshiis kula galay in la dhiso JubbaLand nooc kale ah Barre Hiiraale kadib markii uu madaxweyne ka noqday dowlada Mbaghati, kaasoo isna fashilmay.

  

Wuxuu helay fursado badan oo uu meesha uga saaray qabqableyaashii Muqdisho ee dowladiisa u diiday  inay Xamar soo caga dhigato iyagoo weliba wasiiro muhiim ka ahaa dowladiisa?!!!, halkan marka aan marayo waxaa laga yaabaa inaad fahamtay nuxurka maqaalkani, sababtoo ah qabqableyaashii Muqdisho heystay marka laga reebo kuwii Mudug ka yimid (Xuseen Ceydiid iyo Cusmaan Caato) waxay C/llaahi Yuusuf dowladiisa u diideen inay Muqdisho ka howlgasho ama ay iyaga marti u noqoto, C/laahina wuxuu ka door biday inuu hal qabqable marti u noqdo (Maxamed Dheere) intii uu dhowr qabqable ku dhex dhici lahaa.

  

Qabqableyaashii Muqdisho (Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cumar Filish, Bootaan Ciise) oo dhammaantood wasiiro ahaa wixii ay saddex (3) sanadood ka hor taagnaayeen C/llaahi Yuusuf oo ahaa inuu Muqdisho ka taliyo  waxay Xasan Daahir iyo raggiisii ku suurageliyeen Lix (6) bilood markii ay qorshe xumo iyo istiraatiijiyad la’aan qorsheeyeen inay qabsadaan xaruntii TFG-da ay Itoobiya soo dhisatay ee Baydhaba, iyagoon xisaabta ku darin waxa ka danbeyn doona.!!!, fursadaasi ay  C/llaahi siiyeen iyo khaladkaas weyn ee murugada dhaliyay ayaa mar labaad nasiib darro haddana lagu dhex jiraa.

 

Dagaalkii Muqdisho ee u dhaxeeyay kacdoonkii ay hoggaaminayeen Maxkamadaha iyo qabqableyaashii dagaalka mowqifka uu C/llaahi ka istaagay wuxuu ahaa: WAR HADDII AAD DAGAALAMEYSAAN MAATIDA DUSHEEDA HAKU DAGAALAMINEE, BANNAANKA ISULA BAXA OO MIDKIIN LAX BAKHTISAY HA JIITO. Laakiin maxaa ka dambeeyay ninkii maatida Muqdisho u damqayay xilligaasi ugana turaayay hubka qabqableyaasha wuxuu madaafiicda goobta ee Itoobiyaanka u adeegsaday in madaxtooyadiisa laga rido oo Muqdisho inteeda badan lagu burburiyo isagoo weliba u qiil sameeyay, “Qaxani qax baa ka horeeyay!!” iyo “Odaygu aarsiyuu wadaa”.

 

Xusuuso haddaad xis leedahay: Hambalyo ayuu C/llaahi Yuusuf u soo diray xoogaggii kacdoonka shacabka la baxay ee kadib maxkamadaha noqday markii ay Muqdisho ka saareen qabqableyaashii wasiiradiisa ahaa, waxaase ku xigtay argagaxiso Muqdisho qabsatay iyo Itoobiya oo badbaadineysa dowladii TFG ee Soomaaliya…!!. waxba yaanan ku daalin Col. C/llaahi Yuusuf taariikheyn badan uma baahna dadkuna intooda badan waa ogyihiin oo isagaaba is sheega ee aan aadno saaxiibkiis dhinaca kale taagan.

 

Korneyl  Xasan Daahir wuxuu ahaa hoggamiye diini salafi jihaadi, wuxuuna jihaad ka dhex aloosay umadda Soomaaliyeed ee islaamka ah si shareecada islaamka mar kale seef loogu soo celiyo xukunkeeda, inuu Amiir Mu’miniin noqdana waa ku qanacsanaa, wuxuuna heystay khad iyo itijaah diimeedka salkiisu yahay Boqortooyada Sacuudiga, garabkiisa waxaa ahaa dhalinyaradii Saxwada islaamiga iyo culimada Soomaalidu u taqiin kuwa cusub. dowladii Gen. Maxamed Siyaad waxay ku xukuntay dil toogasho ah.

 

Korneylka kale Sheekh Xasan Daahir mabda’ii islaamiga ahaa waxaad moodaa inuu dhinaca siyaasadda uga beyray oo isbedel weyni ku yimid, ardaydii Sheekha hadda waxay ku tilmaamaan inuu ka beyray  jidkii, qaarkoodna waxayba gaarsiiyeen heer aan soo noqod lahayd..!!!, haddii aan rogrogo wuxuu Xasan Daahir siyaasadda ku saamoobay markii C/qaasim Salaad madaxweyne ka soo noqday dowladii Carte lagu soo dhisay.

 

Xilligaas waxaa Koonfurta Muqdisho ka jiray Maxkamado Islaami oo beelo ku dhisan, Sheekuna wuxuu gacan weyn ku lahaa si hoose  Maxkamadii Ifka Xalan ee tolkiis, waxayna maxkamadahaasi (Shiirkole, Ifka Xalan iwm) gacanta ku hayeen qaar ka mid dhulkii Salballaar laga dhaxlay K/Muqdisho qeybo ka  mida iyo Sh/hoose, laakiin mar kaliya ayay hawada ka baxeen xilligii C/qaasim madaxweyne loogu doortay shirkii Jabuuti, waxaana la xaqiijiyay in heshiis hoose lagu kala diray maxkamadahaasi si dowladda C/qaasim ay uga badbaado shaabadii argagixiso ee Itoobiya iyo Meles Zenawi ku dhufteen, ciidamadoodiina waxaa la wareegtay dowladii C/qaasim. Guddoomiyihii Maxkamadii Ifka Xalan Sheekh Xasan Cadde wuxuu C/qaasim  geeyay Safaaradda Soomaaliya Sacuudiga oo ilaa markii ugu danbeysay uu joogay, Sheekh Xasan Daahir-na waxaa la sheegay inuu  aaday ama loo diray Sacuudiga iyo Pakistan.!!

 

Ma kula tahay inuu C/qaasim hoggaaminayay dowlad islaami ah si tanasulkaas loogu sameeyo?!!!, ka sokow inuu ahaa wasiiradii ugu daacadsanaa ee dowladii milateriga wuxuu geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii uu raali ahaanshaha Itoobiya u heli lahaa, wuxuuna wadooyin badan oo wada fashilmay u maray qancinta Meles Zenawi ka bilow inuu ergey ahaan ugu diray C/llaahi Axmed Cadowgii jagada kula loolamay.

 

 

Tallaabadii labaad inta aan xusuusan karo waxay ahayd in Xasan Daahir iyo Yuusuf Indha Cadde ay la bahoobeen qabqableyaashii Muqdisho markii ay ugu xumeyd xiisadii kala dhaxeysay C/llaahi Yuusuf-kii Jowhar deganaa, oo ay qarka u saarnaayeen dagaal (maleeshiyadii Maxamed Dheere oo taageero ka helaysa kuwo laga keenay Puntland iyo Muuse Suudi maleeshiyadiisa oo taageero ka helayay hoggaamiye kooxeedyadii kale oo ay ku jireen Sheekh Xasan Daahir iyo Yuusuf  Indha-cadde, haddii uu xilligaas dagaal dhici lahaa shaki ma lahayn inay ka qeyb qaadan lahaayeen kana barbar dagaalami lahaayeen Muuse Suudi iyo qabqableyaashii wasiirada ahaa).

  

Shir taariikhi ah ayaa ka dhacay degmada Balcad ee uu ka talinayay Muuse Suudi Bishii Septembar sanadkii 2005, shirkaasi waxaa ku kulmay  xubno ay ka mid yihiin: Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cumar Filish, Bootaan Ciise, Cabdi Qeybdiid oo ay wehliyaan xubnihii labada Gole ee Muqdisho fadhigoodu ahaa, waxaase kula jiray shirka Xasan Daahir iyo Yuusuf Indha Cadde oo muuqaalada shirkaasi laga soo qaaday ay ka muuqatay sida ay maqsuudka u yihiin iyo kaftanka ay la wadaagayaan qabqableyaasha. loolankii taagnaa shaqo kuma lahayn shareeco islaam, xitaa haddii halheys laga dhigo, ragga qabqableyaasha wasiirada hubeysan loo yiqiinna maba ahayn kuwo rajo diin ku dhaqan laga lahaan karo, wixii kale ee raggaas iyo Xasan Daahir kulmiyay waxaan u deynayaa akhristayaasha.

  

Ha iloobin in dagaalkii Muqdisho qabqableyaashaasi ahaayeen kuwii lala dagaalamay ee lala jihaadayay, marka aad intaas ogaato waxay arrintu u muuqataa ina mabda’ meel  la iska dhigay oo dano ama beel ah, ama damac iyo arrimo kale laga mideysnaa sidaasina loo wada shaqeynayay, diintuna markaasi xisaab kuma jirin iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee markii danbe ee iska kuwii shalay mideysnaa isku dhaceen ayaa lala soo baxay.

  

Sheekh Xasan Daahir iyo Yuusuf Indha Cadde waxay ku talax tageen koolkoolin xubnihii labada Gole ee Muqdisho yimid iyo soo buunbuunintooda, kuwii ugu afka dheeraa waxaa ka mid ahaa: Cali C/llaahi Cosoble oo hormuud ka ahaa xildhibaanno Muqdisho ku soo bandhigay khariidad ay sheegeen inay ka heleen xafiiska Cali Geedi oo sheegeysa in Itoobiya iyo Soomaaliya la isku daray, maanta Cali C/llaahi Cosoble mowqifkiisa ma la socotaa..?.

 

Xubnaha Muqdisho lagu soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan) arrinta oo dhamina waxay ku wajahneyd jalaafeynta C/llaahi Yuusuf ee ma jirin qorshe kale, iskana ilow Diin warkeed ama shareeco islaam, kuwa C/llaahi u shaqeeya ee  Muqdisho loogu soo diro wardoonka xitaa waxay dhinaca Xasan Daahir ka ahaayeen Saxaabo soo hijrootay oo daarul shirki ka soo fakatay.!!.

 

Dad badan waxaa la dhacsiin waayay Islaamka uu sheeganayo nin guri bililqo ku jira, dad badan laayay, dhul uusan lahayn heysta iwm.. laakiin dadaalkii kuwii daacadda ahaa ilaa xad ayuu Maxkamadaha shacbiyad u yeelay…, Sheekh Shariifka guddoonka ka ahaa Maxkamadaha beesha uu ka dhashay waxay u arkeysay nin u adeegaya dano beel kale wax taageero ahna haba yaraatee ma siin ilaa markii danbe uu daacadnimadiisa Soomaali badan ku kasbaday. Waxaa laga barbar eegayay dadka ku wareegsan sida Xasan Daahir iyo Indha Cadde, waxay dadkoo dhami qaadan waayeen inuu Indha-cadde hoggaanka Maxkamadaha ka mid noqdo, waxgarad iyo aqoonyahano kala duwan ayaa  u arkay musiibada Maxkamadaha (Nin khalad ah iyo boos khaldan).

 

Kadib guushii maxkamadaha iyo la wareegidii Muqdisho oo ay ku taageereen dadweynaha waxaa ka dambeeyay in la dhiso Goleyaal fulin iyo Shuuro, shirka lagu dhisay labadaas Gole ma ahayn mid laga war qabay oo si mugdi ah ayaa loo qabtay, mana waafaqsaneyn shuuro islaami ah, mid cilmaani ah, ama xitaa qabiil. Waxaa halkan xusid mudan oo aan laga tegi karin inuusan Xasan Daahir Muqdisho ku sugneyn xilligii dagaalka ay ku adkaadeen Maxkamadaha wuxuuna u baqoolay oo dagaalkii Muqdisho ee argagixiso la dirirka markii uu bilowday ka aaday Gobolka Galgaduud, wuxuuna Muqdisho ku soo laabtay kadib markii qabqableyaasha laga saaray Muqdisho kuwoodii ugu danbeeyay.!!!!!!

 

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir waxaana ku xigeen laga dhigay Cumar Iimaan iyo xubin kale, guddoomiyaha Golaha fulinta Maxkamadaha waxaa loo magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ku xigeen looga dhigay Yuusuf Indha-cadde, markii arrintaasi warbaahinta sheegtay ayaa afka la wada qabsaday oo umadii oo dhan yaabtay, waxa meesha ka socdana diin iska daaye inay qayaxan yihiin hoos la iska wada taabtay..!!!!!

 

Waxyar kadib way isa saxeen qoladii tuhunka saarnaa ee nidaamkii islaamiga ahaa ceebta kula hor kuftay, waxaana booskii Yuusuf Indha-cadde loo magacaabay oo lagu bedelay Sheekh C/raxmaan  Jinaqow, iyadoo Indha-cadde riwaayad ahaan waan is casilay ama xilkaasi waan ka cudurdaartay saxaafadda u sheegay, waxaasi oo dhami waxay ku dhacayaan qorshaha Sheekh Xasan Daahir maxaa yeelay wuxuu ahaa ninka geed fadhiga u ah.

 

Inta xaaladda Soomaaliya la socotay una kuur gashay waxay ogaayeen maxkamadaha bartamihii 2006-da la wareegay Muqdisho inuu Sheekh Xasan Daahir u ahaa hoggaamiyaha rasmiga ah ee aan laga daba hadlin, taladuna ka go’i jirtay, waxaase isku dhac joogto ah u bilowday xoogaggii markii danbe shabaabka la baxay oo Sheekha u arkay inuu ka beyray wadadii Jihaadka ee uu hormuudka u ahaa oo arrimo siyaasadeed iyo damac adduunyo galay, waxayse moogaayeen inuusan Sheekhu ahayn kii howlgaladda Itixaad hormuudka u ahaa min Boosaaso ilaa Luuq oo iminka siyaasi caadi ah isu bedelay?.

 

Col. Xasan Daahir wuxuu galay qaabilaadyo joogto sida wufuuda caalamiga ah iyo wareysiyo warbaahinda caalamiga ah la yeelanayeen, waxaa la oran karay Islaam qunyar socod ah xitaa waa ka jilcanaaday, marka laga reebo liiska Mareykanka iyo UN-ka ka yaalla ee argagixisada oo ku noqday nabar ku taagan si uu damaciisa u fogeeyo. Wuxu marar badan isu muujiyay inuu yahay hoggaamiye caalami ah oo xitaa la mida Nelson Mandela. 

 

Diblomasiigii ugu horeeyay ee Sheekh Xasan la kulmay wuxuu noqday ergaygii Talyaaniga u qaabilsanaa Soomaaliya Mario Rafealli oo Dhuusamareeb ugu tegay shir aad u dheerna la qaatay aan la shaacin waxa uu ku saabsanaa iyo halka uu ku jeeday, ogowna xilligaasi maba dhisneyn Golayaasha Maxkamadaha. Talyaaniga wuxuu Mareykanka xilligaasina ka dhaadhicinayay inuu la macaamilo Xasan Daahir, kana qaado xayiraadda.

 

Weriye Muqdisho ka tegay oo gaaray duleedka Buurhakaba oo markaasi ay joogeen ciidamo fara badan oo kulaalaya Baydhaba si weerar ay ugu qaadaan wuxuu ii sheegay inuu aagaasi ku arkay dad aan is qaban karin oo jiida dagaalka jooga waxaana ka mid ahaa: Col. Xasan Daahir, Goobaanle, Aadam Ceyrow, Yuusuf Indha-cadde iyo kuwo kale waxaase markaasi la is weydiinayay danta kulmisay raggan kala maanka ahi..?. inta daacadda ka ahayd hadda ayaa la ogaaday sow maaha?.

 

Ka rogoo mid kale saar: markii ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Soomaaliya ee B/weyne qabsadeen Balidooglena ku soo dhowaadeen wuxuu Sheekh Xasan Daahir keeni waayay qorshe aan ahayn inay ciidamadii Maxkamadaha kala yaacaan, Korneylka ciidanka ah ee bilada geesinimo ku qaatay dagaalkii 1977 haddana saadaaliyay kuna dhaartay inaysan Itoobiyaanku baxaynin wax aan xabbad ahayn.., wuxuu markaasi keeni waayay qorshe aan ka ahayn in la dhabarka la jeediyo oo hore maahee aan gadaalba la soo eegin…., waxayna Isaga iyo Sheekh Shariif dadka Muqdisho u sheegeen inay magaalada uga baxeen si aan loogu dhex dagaalamin oo dadka inay dhibaato soo gaarto looga hortago, qaab cusubna dagaalka loo bedelayo. Saraakiil badan ayaa sheegtay  in Maxkamadaha qaab aan kaasi ahayn u sii jiri kareen kuna dagaalami kareen, mas’uuliyaduna waxay ku dhaceysay inta khibradda ciidan leh ee markii horeba Baydhaba weerarkeeda bogaadisay.

 

Qorshihii  ahaa Muqdisho waxaan uga baxnay inaan dagaal ka dhicin oo shacabka dhibaato soo gaarin waxaa ka danbeeyay in dhufeysyo laga dhex qoto oo BM iyo Hoobiyeyaal lagu duqeeyo, wixii ka dhacana la wada ogaa… meesha lagu dagaalamayo Itoobiya maaha, waa caasimadii Soomaaliya, natiijadu waa in ka badan Hal milyan qaxday, nafta go’day ilaa 7000 ruux iyo hoog aan la sheegi karin.

 

Waxa meesha ka dhacay iyo dhibaatada intaas la eg micnuhu maaha in Korneyl Xasan Daahir kali ku ahaa, laakiin qeybta ugu weyn ayuu ku lahaa, mas’uuliyadduna way ku dhaceysay, aan isku soo ururiyee guulaha Korneylka soo hooyay ila tiriya: kow dheh: dhalinyaradii Islaamka ee diinta jeclaa ee buuraha Waqooyi Bari ku dagaal galay ee dhaxlay SSDF iyo Puntland oo hadda imaarad Itoobiya hoos tagta u eg,  LABA DHEH: dhalintii diinta jecleyd ee qeybo ka mida Gobolka Gedo Jamhuuriyad islaami ah looga dhisay lagana daba keenay mashruucii Xuseen Ceydiid ka soo qaatay Ereteriya ee ciidamadii jabhadda Oromada  lagana soo dejiyay dekadda Marka laga geliyay Itoobiya lagana dhaxlay inay Itoobiya markii ugu horeysay salka dhigato Gobolka Gedo ee Jamhuuriyadii Soomaaliya (Itoobiya markaas 1996-kii 10 sano ka hor hadda ayay qabsatay Soomaaliya ee qabsigii labaad 2006 maaha). Saddex dheh:  Jundul islaamkii dhalinyarada ahaa ee ka dagaal galay Idaale loona dhigay madaafiicda Itoobiyaanka istiraatiijiyad la’aan  lagana dhaxlay in caasimadii dalka hooyo Itoobiyaan ku caweeyo. AFAR DHEH: Markii ifafaale xornimo soo muuqday ee dariiq kale loo raadiyay in Itoobiya dalka looga saaro in diidmo lagala hor yimaado, kadibna la sii kala qeybiyo Isbaheysigii, iyadoo la isa magacaabay guddoomiyaha isbaheysiga., intaas oo dhan waxay u  socdaan hal wado oo ah KA DAROO DIBI DHAL iyo fursad siinta Itoobiya ama ku sii heynta Soomaaliya, Korneylkani sow uma shaqeynayo korneylka saaxiibkiis ah haddusan ogeyn waa musiibo haddii uusan ogeyna musiibadii way ka sii weyn tahay.

 

Markan intaas uga baxo taariikh aan mugdi geli karin iyo tacliiq munaasib ah, aan ku soo gabagabeeyo labada Korneyl sababta ay qorshe isku mida ugu shaqeynayaan: 

 

Korneyl C/llaahi Yuusuf Nabadu way dhibeysaa saa waa nin ku yimid Taangi Amxaaro, kuna ah madaxweyne dhiigga socda ee dadka Soomaalida.

 

Korneyl Xasan Daahir isaguna nabadda way dhibeysaa, haddii aanu isagu keenin awoodna ku lahayn (Nabadii Lixda Bilood oo kale), sababtoo ah nabad dowladnimo Soomaaliyeed keeneysa dantiisa iyo inta uu dantooda u taagan yahay kuma jirto, Nabad ay codka VETO leeyihiin ugu yaraan ayaa anfici karta).

 

Korneyl C/llaahi Yuusuf ma aqbali karo maamul iyo kala danbeyn xeer iyo sharci  lagu dhaqmo, hay’ad kasta oo maamul waa inuu gacnta kula jiraa (Madaxtooyo, Baarlamaan, xukuumad iyo wasaarad) marqaatina uma baahna).

 

Korneyl Xasan Daahir dhinacaas waaba uga horeeyaa saaxiibkiis oo wuxuu jagadii guddoomiyaha fulinta Isbaheysiga kula wareegay sharci darro iyo tiro aan ka badneyn 30 xubnood oo Golihii Dhexe ah Itixaad iyo Ictisaamna sidaa buu ku ahaa.

Korneyl C/llaahi Yuusuf wuxuu qabaa inuusan la hadlin, wax heshiis ahna la gelin mucaaradkiisa iyo kuwa hubka kala horjeeda haddii aysan u muuqan jago tiisa ka weyn iyo dan (Eg: Korneyl C/llaahi Yuusuf wuxuu Cadde Muuse kula heshiiyay markii uu jagada madaxweynaha Soomaaliya rajada fiican Itoobiya ku siiyay,  Korneyl Xasan Daahirna wuxuu maxkamadihii K/Muqdisho uga tanaasulay jagadii madaxweynenimo ee C/qaasim ka soo helay Jabuuti).

   

Korneyl C/llaahi Yuusuf xagjir ku dhinaca wadaniyad xumida iyo qabiilka laga kaashado oo aan diir nixin, tallaabadii uu qaadana khasaare soo hooya, halka Korneyl Xasan Daahir uu geeska kale taagan yahay mowqifyadiisuna diin dugsan yihiin, howlihii uu horkacayna mid waliba fashil ku soo dhamaaday oo gabaahiir iyo geeri go’an dhigay dadkii uu hoggaanka u qabtay.

 

Korneyl C/llaahi Yuusuf ma tixgeliyo ra’yiga inta badan iyo rabitaanka dadka, Korneyl Xasan Daahirna waa la mid, mar walibana iyagaa isla quman oo isla saxan inta kalena waa khaldan yihiin, khaladaadkooda kama garaabaan, damacoodana kama daalaan.

 

Korneyl C/llaahi Yuusuf kursigiisa wuxuu ku sii jiri karaa inay ciidamada Itoobiyaanka dhiiqada Soomaaliya ku sii jiraan oo ay waayaan qaab ay ku baxaan, inta ciidamo Itoobiyaan joogaan Soomaaliya kama jiri karo madaxweyne kale oo Koonfurta Soomaaliya loo sameeyo, cid waliba oo xitaa isku dayda inay Itoobiya kaba-qaad u noqoto marka la barbardhigo Korneyl C/llaahi Yuusuf doorashada Itoobiya waxay ku dhaceysaa C/llaahi, bal u fiirso wixii ku dhacay Cali Geedi.

   

Korneyl Xasan Daahir heshiis Soomaali ku towfiiqdo iyo dowlad ay wada dhisato kuma dhex noolaan karo, marka hore shaabadda saaran ee UN-ka iyo Mareykanka ku dhejiyeen ee ah inuu xiriir la leeyahay Al-qaacida sahal laguma bi’in karo, ogow in Nelson  Mondela goor dhow hadda uun ayuu Koongareeska Mareykanka ka saaray liiskaasi..!!. dadka Soomaaliyeed inta taageersan afkaartiisa oo aad u yar marka meel la iska dhigo halheyska guud ee Shareecada Islaamka iyo damaca kursi oo wax waliba sal u ah, sidaasi darteed rajo badani kama qabo in Soomaali marka ay heshiiso uu doorasho ku soo baxo, waana sababta keeneysa inuu qoriga caaradiisa iyo dagaal iska socdaa wax waliba ka door bido.

C/llaahi Yuusuf wuxuu hadba la heshiiyaa oo garab ka dhigtaa cidda ay tiisa ka soconeyso: Tusaale ahaan: 

 

DORAAD: (Ka hor SRRC)  wuxuu hoggaamiyeyaasha Koonfurta Soomaaliya kala socday saaxiib dhowna la ahaa: Cali Mahdi iyo NRC-diisii, kadib wuxuu la bahoohay Muuse Suudi, Cusmaan Caato, Shaatigaduud, waxay C/qaasim isla jalaafeeyeen: Xuseen Ceydiid, Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo ma gudbayaal kale oo fara badan.

 

SHALAY: Mbaghati (Shirkii Kenya) wuxuu jaal iyo sokeeye ka dhigtay Maxamed Dheere, Cali Geedi, Xuseen Ceydiid, Gacmadheere, iyo kuwo kale oo aan yareyn. Markan waxaa lagu faltamayay Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaana kuwan loo adeegsanayay in dadkooda iyo degaankooda lagu burburiyo.

 

Maanta: waxaan laga soo mari karin oo dantiisa uu ka dhex arkay: Maxamed Dheere, Cabdi Qeybdiid iyo kuwo qarsoon oo waqtigooda la sheegi doono kuwaasoo uu ugu horeeyaan Cali C/llaahi Cosoble oo wasiirnimo u buka iyo Gacmadheere oo Ra’iisal wasaarenimada markii saddexaad rajo ka qaba.

 

BERITO: wixii dhici doona  Allaa og, laakiin kuwa uu maalin waliba soo dhoweysto waxay aagga hore uga difaacaan kuwo kale oo ay wallaalo yihiin, dallaalnimadaas ku dhisan KAAGA KULA LIHI, KEYGANA ANAA IS KALE…!!! waa waxa dadkaas dhigay halka ay yaallaan. Marka oday C/llaahi loo dhaba galo kuma haboona waxaan ahayn inuu ahaado khaa’inul wadan masaafuris ku maqan, sida Gen. Maxamed Siyaad  Barre u gartay.

 

Xasan Daahir wuxuu hadba la socdaa, garabna ka dhigtaa kooxda uu dan bido ama ku taagan qorshihiisa: Tusaale ahaan:

 

Dorraad (2000 ilaa  2006): wuxuu dhex galay siyaasad mindhicireedka Soomaalida ee qabyaaladda ku dhisan, wuxuuna la bahoohay C/qaasim Salaad, Yuusuf Indha-cadde, mar kale wuxuu la bahoohay Muuse Suudi, Qanyare, Barre Hiiraale, Bootaan Xaaraan-ku-naax, Cabdi Qeybdiid, Cumar Filish iyo kuwa kale, waxay kaloo Korneyl Xasan Daahir danta isugu xirneyd Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo xildhibaanada TFG-da 100 ka mida.

   

SHALAY (2006 ilaa 2007) : wuxuu Korneyl Xasan Daahir la bahoobay: Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh Xasan Turki, Sheekh Muqtaar Roobow, Macalin Aadan Ceyrow, C/llaahi Macalin (Abuu Quteyba) iyo kheyr wadayaal fara badan  oo nidaamkii Maxkamadaha hormuud u ahaa.

 

Maanta:  Wuxuu Korneyl Xasan Daahir dantiisa ka arkay oo la bahoobay: Sakariye Maxamud, Xuseen Ceydiid, Jaamac Cali Jaamac, Shariif  Saalax iyo kuwo kale, saddexdaan marxaladood ee aan soo koobay haddii aad dheehato, waxaad arkeysaa isbedelka weyn ee ku dhacay Sheekha inuu yahay NIN KHALDAN OO MEEL KHALDAN KU SUGAN (RAJUL KHADA’ FII MAKAAN KHADA’). Wuxuuna ku wanaagsanaa inuusan khadkiisii ka bixin sheekhu sida dad aan ka mid ahayn ku jeclaayeen marka uu kala saarayo masaa’isha ku saabsan madaahibta kala duwan ee uu radinayo kuwa Shaaficiyadda ku been abuurta iyo muxaadarooyinka ruuxiga ah laakiin siyaasad iyo diblomaasiyad maamulkeed maya.

 

Gabagabadii maqaalkani waa taariikh iyo dib u xusuusin taxanaha taariikheed ee laba ka mida KALA-TAAGANAYAASHA WADADA KALIYA KU TAAGAN ee dhibaatada Soomaaliya ka jirta, kaasoo ay kaliftay duruufta hadda taagan iyo xaaladda adag ee lagu jiro.

 

Xikmad ayaa ahayd XAQA AYAA LAGU GARTAA RAGGIISA, EE RAGGA LAGUMA GARTO XAQA oo micnaheedu yahay haddii aad xaqa garaneysid qofka ku socdaa waad taqaan, laakiin hebelba haddii uu yahay xaq ayuu ku taagan yahay ayaa khalad ah.

 

Wixii talo, toosin sixid iyo dhaliil ah waan soo dhoweynayaa…

 

 

Waxa Qoray:

 

Shariif Moalim

 

Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 





 
Comments (1)add
Jiheeysane
written by kerowmade , August 12, 2008
waad assibtey runtana waada ka sheegtey. waxaa taas u daliil ah in She hassan daahir Aweys iyo indha cadde ayaagoo hoos kala xiriira C/qaasim ay ilaa hadda humeystaan masaakiinta Shabeellaha hoose. waa la ogyahay dictatorka dhigya cabka C/llahi Yusuf waxaase ka daran kan magaca dinta dadka ku gumeysahaayo
report abuse
vote down
vote up
Votes: +0
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >